Madaxweynaha Soomaaliya oo Markii ugu Horeysay ka Hadlay Wararka La Xariira in La Dilay Hogaamiyaha Al shabaab +Dhageyso

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadaly wararka la xiriira in Ciidamada Xoogga dalka soomaliyeed gaar ahaan Ciidamada  Danab iyo Ciidamo Mareykan ah in ay duqeyn ku dileen Hogaamiyaha Guud ee Xarakada  Al-shabaab Abuu Cubeyda.

Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Tilmaamay in aan lagu dagdagi Karin dilka Hogaamiyaha Al-shabaab islamarkaana uu yahay mid magacyo badan leh sidaas darteed baaritaano dheeraad ah ay dowlada sameyn doonto  oo la xiriira in duqeyn lagu dilay Hogaamiyaha Al-shabaab, wixii kasoo baxanaya in Bulshada Soomaliyeed la wadaagi doonto.

“Abuu Cubeyda Magac Jiro Ma ahan waxa uu leeyahay 10-magac , waxaa u dheeri ah Magaca ay u bixiyeen Hooyadiisa iyo aabihiisa, waxa uu leeyahay aqoonsiyo kala duwan, marka laguma dagdagi karo arintaan dilka Hogaamiyaha Shabaab, dowlada soomaliya waxa ay wadaa baaritaan arintaan la xiriirta, dhawaana waa lasoo bandhigi doonaa” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

13-kii bishaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan Ciidamada Danab oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah waxa ay  weerar ku qaadeen Fariisin ay Al-shabaab ku lahaayeen degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhexe ee Koonfurta Dalka Soomaliya, warar soo baxaya ayaa sheegaya in duqeyn dhacday  lagu dilay Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyd, labo ku-xigeenadiisa ah,  Madaxa Howlgalada al-shabaab abuu Muscab, iyo 30-askari oo shabaab ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here