Baarlamaanka Soomaliya oo Maanta ka Doodaya Qaraar ku Saabsan Dastuurka+Dhageyso

0

Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, kaasoo noqonaya kalfadhigii  ugu dambeeyay ee Baarlamaankan 9aad oo waqtigiisa dhamaanaya.

“Maanta  oo Arbaca ah Taariikhdana ay ku beegan Tahay 17-august 2016-ka waxaa jira kulanka Golaha shacabka Ajendaha waxa uu ku saabsan yahay warbixino ay soo diyaariyeen  Guddiga Dastuurka oo Golaha shacabka uu dhageysan doono, iyo sidoo kale ansixinta qaraarka u gudbinta  Dastuurka baarlamanka Soomaliya ayuu ku saabsan” ayuu  Yiri Habdhowraha Baarlamanka Soomaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo la Hadlay idaacada simba.

Dhanka kale Ciidamo Boolis ah ayaa la geeyay Galinkii dambe ee shalay  Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya Sugidda ammaanka Xaruntaas, waxaana arintaan soo dhaweeyay Guddoonka sare ee Baarlamanka Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here