17 askari oo ka tirsan saraakiisha Ciidamada Boolis-ka ee dalka Nigeria ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho kuwaas oo ku biiraya Ciidamada AMISOM ee Somaliya ka hawlgala waxaana xerada xalane uga bilowday tababar soconaya muddo usbuuc ah kaasi oo ku saabsan shaqada ay ka qabanayaan Somaliya.
Saraakiishaan booliska ah oo dhowaan Somaliya soogaaray ayaa waxaa ay bedelayaan saraakiil kale oo ku laabtay dalka Nigeria kuwaas oo dhamaysatay waqtigii loo qorsheeyay in ay Somalyia joogaan.
Christine Alalo,oo ah taliye kuxigeenka Booliska AMISOM ayaa waxaa ay ku boorisay saraakiisha cusub ee booliska AMISOM ka mid noqonaya in ay si adag u shaqeeyyaan waajibaadkoodana ay gutaan iyo in laga helo aqlaaq sarre oo booliska looga baahanayhay in ay lahaadaan.
“Waxay tiri xitaa hadii aad si adag u shaqaysid laakiin aadan lahayn aqlaaq wanaagsan waxa ay ka dhigantahay adigoo ku guul daraystay waajibaadkaagii” ayay Tiri Christine Alalo
Nigeria ayaa waxaa ay ka midtahay dawladaha ay ka socdaan Ciidamada hawgalka AMISOM ee Somaliya jooga,sanadii 2010-ka ayaa ahayd markii ciidamadii ugu horeeyay ee kasocday dalka Nigeria ay soogaareen Somaliya.







