Dowlada Nigeria oo  Saraakiil Boolis ah oo ka Mid Noqonaya Howlgalka AMISOM Usoo Dirtay Somaliya+Sawirro

0

17 askari oo ka tirsan saraakiisha Ciidamada Boolis-ka  ee dalka Nigeria ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho kuwaas oo ku biiraya Ciidamada AMISOM ee Somaliya ka hawlgala waxaana xerada xalane uga bilowday tababar soconaya muddo usbuuc ah kaasi oo ku saabsan shaqada ay ka qabanayaan Somaliya.

Saraakiishaan booliska ah oo dhowaan Somaliya soogaaray ayaa waxaa ay bedelayaan saraakiil kale oo ku laabtay dalka Nigeria kuwaas oo dhamaysatay waqtigii loo qorsheeyay in ay Somalyia joogaan.

Christine Alalo,oo ah taliye kuxigeenka Booliska AMISOM ayaa waxaa ay ku boorisay saraakiisha cusub ee booliska AMISOM ka mid noqonaya in ay si adag u shaqeeyyaan waajibaadkoodana ay gutaan iyo in laga helo aqlaaq sarre oo booliska looga baahanayhay in ay lahaadaan.

“Waxay tiri xitaa hadii aad si adag u shaqaysid laakiin aadan lahayn aqlaaq wanaagsan waxa ay ka dhigantahay adigoo ku guul daraystay waajibaadkaagii” ayay Tiri Christine Alalo

Nigeria ayaa waxaa ay ka midtahay dawladaha ay ka socdaan Ciidamada  hawgalka AMISOM ee Somaliya jooga,sanadii 2010-ka ayaa ahayd markii ciidamadii ugu horeeyay ee kasocday dalka Nigeria ay soogaareen Somaliya.

28685147110_f48181e14d_m 28894508171_7aeff00799_m 28894509031_343a67a190_m 28894509351_11a1482a9f_m 28970927235_4a19d5e379_m 28970928115_16e40b5ac5_m

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here