Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Somaliyeed ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo uu wehelinayo Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliya Maxamed Sh, Xasan Xaamud ayaa Maanta Talaado 16-8-2016 kormeer ku tagay Saldhiga Ciidamada Booliska Jubbaland ee Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha iyo Taliyaha ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee Saldhiga Magaalada Kismaayo oo hada Talis guud u ah Ciiidamada Booliska Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland iyo Taliyaha ayaa booqday qaybta Isgaarsiinta Ciidamada Booliska iyadoo Madaxweynahu uu si toos ah ula hadlay Saldhigyada Ciidamada Booliska ee Muqdisho Baladweyne Jowhar Carmo iyo Baydhabo isagoo ka xog waraystay sida ay saaka ku waabariisteen iyo xaaladaha guud ee Magaaloyinkaas.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa uu sarakiisha ku sugnaa Saldhigyada kala duwan ee Somaliya uu kula dardaarmay in ay laba jibaaran hawlaha Qaran ee ay hayaan isla markana ay ku dadaalan sidii qalabka ay isticmaalayaan uu u noqon lahaa mid xafidan oo aan cadawga u gudbin.
Intaas kadib Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyeed waxaa ay kormeereen qaybaha Tababarka waaxda dambi baarista iyo qaybta musiko iyadoo uu Madaxweynahu uu dhamaan warbixino ka dhagaystay Sarakiisha iyo hogaanada kala duwan oo qaybaha Ciidamada Booliska Jubbaland.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ahna Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland wuxuu sheegay in ay muuqato rajo ah in ay soo noqonayso haybadii Ciidamada Booliska Somaliyed oo waliba ku hawlgalaya adeegyo casri ah wuxuuna cusay in ay abuurayso jawi muujinaya in ay soo noqonayso Xasiloonidii Dalka.
Balse Madaxweynahu wuxuu cadeeyay in loo bahan yahay in la xafido dhamaan qalabka Ciidamada gaar ahaan isgaarsiinta oo uu sheegay in hadii cadawga ay u gacan gasho ay tahay dhabar jab weyn loona bahan yahay in masuuliyad la iska saaro.










