Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowlada Soomaliya ayaa waxa uu soo saaray amaro ku socda Hoteelada iyo Goobaha Maqaayadaha ah ee ku yaalo Magaalada Baledweyne.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar, ayuu kasoo baxay amarkaan waxaana la faray Hotelada inaan lagu qaban karin shirar uusan Maamulka ka warqabin, waxaa laamaha amaanka la faray dhaqangelintiisa amarkaan.


