UNHCR ayaa sheegtay in ay kordheen Qaxootiga Somaliyeed ee kalaabanya Xerada Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.
Hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in si iskood ah ay ugalaabteen xerada Dhadhaab Qaxooti Somaliyeed oo gaaraya illaa iyo 1,272 qof mudo bil gudeheed ah.
UNHCR ayaa Tilmaamtay in dadkaas ay dib u laabteen intii u dhaxaysay 16kii illaa iyo 31kii bishii aynu soo dhaafnay ee july kuwaas oo 1,061 kamid ah ay ku laabteen safar dhinaca dhulka ah oo ay ku galeen koonfurta Somaliya halka 211 qofna lugu celiyay duulimaad dhinaca cirka ah oo lagu geeyay magaalada Muqdisho.
Hay’adda ayaa warbixintaan oo ay soo saaratay shalay oo isniin aheed waxaa ay sheegtay in qaxootiga Somaliyeed ee kusoo laabtay dalka Somaliya kana soo laabtay dalka Kenya bishii December 2014 illaa iyo bishii july ee sanadkaan ay gaarayaan 19,523 qof.
Kenya, iyo laanta qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa la tilmaamay in ay kawada shaqaynayaan sidii loo xaqiijin lahaa dib u celinta qaxooti gaaraya 500,000 oo qof oo ku noolaa shan xero oo ku dhexyaala xerada Dhadhaab hadalkaasna waxa uu ka dambeeyay markii dowlada Kenya ay ku dhawaaqay in uu xirayso xeradaas.

