Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay sababaha dalka loogu saari la’ yahay Xarakada Al-shabaab oo ku sugan qeybo kamid ah koonfurta iyo Bartmaha Soomaliya.
“Soomaliya waxaa ka jira dhul aysan cidna ka talinin waxaa dagan qabaa’il Soomaliyeed oo Geelahooda ku ilaashanaya, halkaas oo aysan ka jirin dowladnimo meeshaas ayay shabaab ukumahooda dhigteen ayna ku xoogeysteen”, ayuu yiri Madaxweyne xasan Shiikh Maxamuud.
Madaxweynaha Soomaliya ayaa sidoo kale Tilmaamay in deegaanada ka maqan Gacanta dowlada soomaliya ee shabaab ka taliyaan ay yihiin kuwa Lagu tababaro ciidamo ka Tirsan islaamiyiinta Qaarada afrika ka dagaalama sida Boko Haram iyo kooxo kale .
“Dhulka Gacanta dowlada ka maqan waa saldhig lagu Tababaro Boko Haram, Maqrib islaami iyo kooxo kale kuwasoo dagaalo kula jira qaar kamid ah dowladaha Afrika, xiligii dalka taladiisa dowladaan la wareegaysay shabaab waxa ay ku sugnaayeen inta badan Gobolada dalka soomaliya iyo degmooyinka Gobolka Banaadir, marka laga reebo Somali-land iyo meelo kamid ah Gobolada Dhexe ee dhulka Soomaliya, balse dadaal dheer kadib waa laga durjiyay ”, ayuu marka kale yiri Madaxweynaha Soomaliya.

