Dhageyso:- Wasaaradda Qorsheynta Maamulka Koonfur Galbeed oo Sheegtay in Guulo Laga Gaaray Shirarkii Qorsheynta

0

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim oo u Waramay Idaacada Simba ayaa Faah-faahin ka Bixiyey Jadwalka Shirka Qorshaynta Qaranka Soomaaliya ee kusoo Gaba Gaboobay Magaalada Baydhabo Kaasi oo ay qayb galeen Wasiirada Qorshaynta Maamul Gobaleedyada iyo Dowlada Dhexe.

Wasiir Ku Xigeenka Qorshaynta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya  ayaa Sheegay in Golaha Talo-bixinta iyo Qorshaha Qaranka (GTQQ) ay isku Raaceen in la xoojiyo xiriirka iyo hagida dhameystirka Qorshaha Qaranka, islamarkaana ay isku Af-garteen   in la qabto shir weynaha  golaha (GTQQ)  taariikhdu markey tahay 31ka Bisha Agoosto ee 2016 kaasi oo lagu casuumayo Xubnaha Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Mudane Maxamed Xaaji ayaa Tilmaamay in Qorshaha Qaranka Soomaaliya uu yahay mid Bulshada Soomaaliyeed  Dhamaantooda u Siman Yihiin Isla-markaana aysan Jirin Cid Sigaar ah loogu Danaynayo Sameynta Qorshahaan ay Dajintiisa ku Howlan Yihiin Xubnaha Golaha Talo-bixinta iyo Qorshaha Qaranka (GTQQ).

Shirarka Golaha Talo-bixinta iyo Qorshaha Qaranka ayaa ah Kuwa looga doodayo Sidii Soomaaliya ay u yeelan lahayd Qorshe Qaran oo ay kaga Maarmayso ku Tiirsanaanta taageerada Dibada iyo in Soomaaliya ay la timaado Hanaan Hufan oo lagu badali karo Baraamijka “New Deal” ee uu Maalgaliyo Mudowga Yurub oo Waqtigiisu ku egyahay Bishaan August ee aynu ku guda jirno.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here