Dhageyso:-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo Lagu Eedeeyay in Colaad ka Dhex Hurinayo Qabaa’ilka Gobalka Hiiraan

0

Qaar ka Mid ah Odayaasha Dhaqanka ee beelaha Gobalka Hiiraan ayaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee Waqti goodu sii Dhamaanayo ku eedeeyey in Colaad ka Dhex hurinayo Qabaa’ilka Gobalka Hiiraan ayagoona Xusay in Xildhibaan-ka uu  ka Qeyb ka qaatay Abaabulka Dagaalo Mudooyinkii dambe ka socday Gobalkaasi.

Nabadoon Yacquub oo ka mid ah Odaayasha Dhaqanka ee Beelaha Gobalka Hiiraan oo la hadlay Idaacada Simaba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay Xildhibaan Jeesow Hurinaayo Dagaalada Maalmihii dambe  soo cusboonaaday islamarkaana Door Muuqda ka cayaaray Colaada u dhexeysa Beelaha Walaalaha ah ee wada-daga Gobalka Hiiraan kuwaasi ay ka mid ahaayeen Dagaaladii Dhiiga uu ku daatay ee ka dhacay Magaalada Beled-weyne iyo Deegaano Hoosta Hiiraan.

Dhanka kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo Xiriir aan la Sameynay si aan wax uga weydiino Arintaan Noo Ma suurto galin in uu ka jawaabo Wicitaan ka taleefoonadeena.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here