Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan Ciidamada Danab oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah in ay weerar ku qaadeen Fariisin ay Al-shabaab ku lahaayeen degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhexe ee Koonfurta Dalka Soomaliya.
Duqeyn dhacday ayaa la sheegay in lala beegsaday saldhig ay Xarakada Al-shabaab ku leeyihiin degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhexe.
Duqeynta ayaa la sheegay in qasaaro dhimasho iyo dhaawac ay ka dhalatay warar madax Banaan ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay Hogaamiyihii Al-shabaab ee Abu Ubeidah aka Diriye oo ka qeyb galayay kulanka Golaha Shuurada Al-shabaab,
Weerarka duqeynta ayaa sidoo kale la sheegay in lagu dilay 3-kamid ku-xigeenada Hogaamiyaha Xarakada Al-shabaab Abu Ubeidah aka Diriye uuna kamid yahay afhayeenka dhanka Howlgalada Al-shabaab sheikh C/casiis abuu Muscab.
Hogaamiyaha kale ee duqeynta lagu dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay Abu Omar iyo labo ajaanib ah oo nolosha lagu qabtay oo ku sugnaa kulan weyn ay isugu yimaadeen Hogaamiyayaasha sar sare ee Xarakada al-shaabaab oo ka dhacay degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhexe.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamo gaaraya 30-askari oo ka Tirsan Xarakada al-shabaab in lagu dilay duqeynta ka dhacday degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhexe.
Ilaa hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowlada soomaliya iyo al-shabaab oo loogu hadlaayo duqeynta ka dhacday degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhexe, iyo wararka sheegaya in la dilay Hogaamiyihii Xarakada Al-shabaab Axmed Diiriye oo dhanka al-shabaab loogu yaqaano Abu Ubeidah .

