Dhageyso:-Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamada Daraawishta Maamulka Puntland oo Maanta Dil Toogasho Lagu Fuliyay

0

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Puntland ayaa maanta Xukun dil ah ku Fulisay sarkaal ka Tirsanaa Ciidamada Daraawishta Maamulkaas oo dhawaan Xukun dil ah  lagu Xukumay.

Saraalka Maanta  Dilka Lagu Fuliyay Ayaa Magaciisa Lagu sheegay Gaashaanle Dhexe Ceyduruus Daahir Awaare oo Horey dil u Geystay X-labo xiddigle Cabdiweli Faarax Ismaaciil oo isna katirsanaan jiray ciidamada.

Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Cabdikariin Xasan Firdhiye oo dilka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay marxuumka dilka lagu fuliyay inuu dhawaan dil bareer ah u geystay X-labo xiddigle Cabdiweli Faarax Ismaaciil oo isna katirsanaan jiray ciidamada, kadib muran ka dhashay dhul ay isku qabsadeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here