Ciidamada Nabad Sugida oo Weerar ku Qaaday Maleeshiyaad  Jidgooyooyin Dhigtay Deegaanka Godinlabe

0

Wararka ka imaanaya  deegaanka Godinlabe oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dhulka Soomaaliya ayaa ku waramaya  in uu halkaas saakay ka bilowday dagaal u dhaxeeya Ciidanka Nabad suggida maamulka Galmudug iyo sidoo kale maleeshiyaad Hubeysan oo jidgooyooyin dhigtay deegaanka.

Ciidamada Nabad sugida Galmudug ayaa la sheegay in weerar qorshaysan ay ku qaadeen Ciidamada Maleeshiyaadka  ah waxaana deegaanka Godinlabe laga maqlay rasaas ay isweedaarsadeen Labada dhinac.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamul Goboleedka  Galmudug ayaa warbaahinta u sheegay in arintaan ay timid kadib markii dadka ku nool deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka ay ku hayaan Maleeshiyaadka hubeysan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here