Wararka ka imaanaya deegaanka Godinlabe oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dhulka Soomaaliya ayaa ku waramaya in uu halkaas saakay ka bilowday dagaal u dhaxeeya Ciidanka Nabad suggida maamulka Galmudug iyo sidoo kale maleeshiyaad Hubeysan oo jidgooyooyin dhigtay deegaanka.
Ciidamada Nabad sugida Galmudug ayaa la sheegay in weerar qorshaysan ay ku qaadeen Ciidamada Maleeshiyaadka ah waxaana deegaanka Godinlabe laga maqlay rasaas ay isweedaarsadeen Labada dhinac.
Dhanka kale Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamul Goboleedka Galmudug ayaa warbaahinta u sheegay in arintaan ay timid kadib markii dadka ku nool deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka ay ku hayaan Maleeshiyaadka hubeysan.

