Hanti dhowrka guud ee Qaranka Somaliyeed Dr Nuur Faarax jimcaale oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dalka ay ka holgalaan Shirkado Caalami ah oa la dhuunta Cashuurta laga rabo.
Dr Nuur Faarax jimcaale Hanti dhowrka guud ee Qaranka Somaliyeed ayaa ugu baaqay Shirkadahaas Caalamiga ah ee la dhuunta Cashuurta laga rabo, in ay bixiyan hadii kalana ay dowlado qaadi doonto Talaabo sharciga loo maraayo.
“Dowladaha Maalgashiga wadanka gudihiisa ka sameynaya ama bad haka sameeyaan ama beriga haka sameeyaan, canshuurta wadanka waa ku waajib, aduunka canshuurta waa lala dhuuntaa, laakiin waan ku daba jirnaa, Shirkadaha ama Garoonka Muqdisho haku ganacsadaan ama Garoonka Garowe, canshuurta waa inay bixiyaan waa lagu daba jiraa waana la is qabanayaa.” Ayuu yiri Hanti Dhowrka Qaranka.
Soomaliya waxaa sanadihii dambe kusoo badanayay Shirkado Caalami oo dalka Maalgashi ku sameynaya waxaa sidoo kale soo baxayay in shirkadaas ay yihiin kuwa aan bixinin Lacagaha cashuurta ee laga rabo.

