Sirdoonka Kenya oo Ganacsade Kenyaan ah ku Eedeeyay Taageerida Xarakada Al-shabaab

0

Sirdoonka dalka Kenya ayaa sheegay in ay ku Tuhunsan yihiin  in uu maalgaleyo Xarakada Al shabaab  nin ganacsade kenyaati ah oo siweyn looga yaqaano dalkaas islmarkaan ganacsiyo badan ku leh magaalada Nairobi.

Illo dhinaca ammaanka ah  ayaa tilmaamay in Ahmed Iman Ali, oo sidoo kale loo yaqaano  Abu Zinira kaasi oo baxsi ku ah dalka  Somaliya uu islmarkaana horay uga qalin jebiyay jaamacadda Jomo Kenyatta kadibna uu ku biiray Xarakada Alshabaab ay jiraan dad wakiilo ug ah ganacsiyo badan oo uu ku leeyahay dalkaas gaar ahaan magaalada Nairobi.

Ninkaan ayaa waxaa la sheegay in ganacsiyo badan oo kala duwan uu ku leeyahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana ka mid ah ganacsiyada uu halkaas ku leeyahay Carwooyin, Dukaamo lagu iibiyo dharka gacanta labaad iyo kuwo kabaha lagu iibiyo.

Musa Mutevi aka Bame, ayaa la sheegay in wakiil uu uga yahay ganacsiyada Ahmed Iman Ali,uu ku leeyahay Nairobi sidoo kalana  lacago loo aruuriyo alshabaab ayaa la tilmaamay in uu ka caawiyo.

Sirdoonka dalka Kenya ayaa sheegay Ahmed Iman Ali in Alshabab uu lacag uga soo aruuriyo dalka Kenya islamarkaana si  sharcidaro loogu soo xawilo Somaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here