Madaxweynaha Soomaaliya oo Dhigiisa Jubuuti ku Amaanay Soo Magacaabista Safiirka Cusub jabuuti u Fadhin Doona Soomaaliya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku amanay Madaxweyne ismaaciil Cumar Geelle  soo magacaabista Denjiraha Cusub ee Jamhuuriyada Jabuuti u fadhin doona dalka Soomaliya kadib markii uu waqtigiisa dhamaaday Danjire Dayid Dubad Rooble oo shalay muqdisho loogu sameeyay xaflad Sagootin aheyd.

Mudane Xasan Shiikh Maxmauud ayaa amaan u jeediyay Denjiraha uu waqtigiisa dhamaaday ee Dayid Dubad Rooble isagoo ku tilmaamay mid kaalin weyn ka qaatay isku xirka Shacabka Jamhuuriyada Soomaliya iyo Kan Jabuuti.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Djibouti oo weligiiba ahaa mid aad u wanaagsan, ayaa gaarey heerkiisii ugu sarreeyay muddadii 7-da sanno ahayd ee Danjire Dayib uu ku sugnaa Soomaaliya. Waxaa uu dalkan ka shaqeynayey xilli aad u adag, ilaa iyo haatanna waxaa uu si dhow ula shaqeeyaa Soomaaliya oo dhan. Waxaan u mahad celinayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka reer Djibouti oo gartey inay inoo sooo xulaan shakhsi daacad ah oo dadaal badan oo Soomaaliya wax weyn u qabtey”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti  mudane ismaaciil Cumar Geelle   ayaa usoo Magacaabay Danjire Beyluudh in uu Noqday safiirka Jabuuti u fadhin doono dalka Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here