Wasiirka Gaashaandiga Xukuumadda Soomaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta tababar ugu soo xirey xerada jeneraal Dhegabadan Ex Jazeera Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isugu jirey Saraakiil, Saraakiil xigeen, Ciidamadda Booliska Dableyda iyo Injineero, kuwaasi oo tababar ciidan uu u socday Muddo 5 bilood ah.
Waxyaabaha tababarkan lagu siiyey ciidamada ayaa waxaa ka mid ah sidii ay u dhowri lahaayeen shacabka, marka ay taageen goobaha laga saaro Xarakada Al-Shabaab, loona dul-qaato shacabka Soomaliyeed.
Wasiirka Gaashaandiga Xukuumadda Soomaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini wuxuu kula dardaarmay ciidamadii tababar loosoo xiray inay isku diyaariyaan difaaca sharafta iyo madaxbannaanida dalka Soomaliya, taasoo uu sheegay inay tahay midda loo tababaray.







