Wasiirka Gaashaandhiga oo Tababar usoo Xirey Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed+Sawirro

0

Wasiirka Gaashaandiga Xukuumadda Soomaliya  Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta tababar ugu soo xirey xerada jeneraal  Dhegabadan Ex Jazeera Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isugu jirey Saraakiil, Saraakiil xigeen, Ciidamadda Booliska Dableyda iyo Injineero, kuwaasi oo tababar ciidan uu u socday Muddo 5 bilood ah.

Waxyaabaha tababarkan lagu siiyey ciidamada ayaa waxaa ka mid ah sidii ay u dhowri lahaayeen shacabka, marka ay taageen goobaha laga saaro Xarakada Al-Shabaab, loona dul-qaato shacabka Soomaliyeed.

Wasiirka Gaashaandiga Xukuumadda Soomaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini wuxuu kula dardaarmay ciidamadii tababar loosoo xiray inay isku diyaariyaan difaaca sharafta iyo madaxbannaanida dalka Soomaliya, taasoo uu sheegay inay tahay midda loo tababaray.

gashaan4 gashaan6-1 gashan7-1 gashan8-1 gashaan3-1 gashan2-1

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here