Dowlada Kenya oo Lacago Dul Dhigtay  Sarkaal Sare oo ka Tirsan Xarakada Al-shabaab

0

Dowlada Kenya ayaa lacago gaaraya 2 million oo ah lacagta dalka Kenya  dul dhigtay Hogaamiye sare oo ka Tirsan  Xarakada al-shabaab oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay weeraro ka dhacay deegaanka Lamu.

Wasaarada arimaha Gudaha dalka Kenya ayaa shaacisay in  ay lacag dhan 2 million oo ah lacagta dalka Kenya la  siin doonto cidii soo sheegta xog ku aadan  hogaamiye sareka Tirsan oo lagu eedeeyay oo n uu maleegay weeraro badan oo lagu qaaday dalka Kenya gaar ahaan degmada Lamu.

Cabdullaahi Cabdi Sheekh oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, ayaa la sheegay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weeraro xiriir ah oo ka dhacay deegaanka Lamu ee dalka Kenya.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Dalka Kenya Joseph Boinnet   ayaa sheegay cidii soo gudbisa xog sahlikarta in la soo qabto Sarkaalka lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Sheekh oo ka tirsan Xarakada al-shabaab in la siin doono lacago gaaraya 2 million oo ah lacagta dalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa Horey lacago u dul dhigtay Saraakiil sar sare oo ka Tirsan Xarakada al-shabaab oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen weeraro ka dhacay Gudaha Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here