Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Beeniyay in Dowladiisa ay Caburinayso Dadka Siyaasiyiinta ah

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane  Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in dowlada soomaliya aysan Caburin ku haynin siyaasiyiinta soomaliyeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho  kuwaasi oo yeesha shirar ay kaga hadlaan xaalada siyaasadeed ee dalka.

Wareysi uu siiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Tv-ga Universal  xaruntiisa Muqdisho ayaa wuxuu ku sheegay inaysan jirin Siyaasad Dowladda u degsan oo ku aadan in la caburiyo dadka Siyaasiyiinta.

“Maya Maya Siyaasad Dowladda Somaliya ay leedahay ama Xukuumadda oo dadka loogu diidayo inay  isku yimaadaan ma jirto waa xuquuqda aas-aasiga ee qofka muwaadinka uu leeyahay inay isku yimaadaan dadka oo wixii talo ka dhaxeeya ay ka tashadaan ama hadii ay tahay Siyaasad ama dano kale hadii ay tahay si nabad ah, dad Hoteel isugu imaanaayo waa dad si nabad ah isugu imaanaayo.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Soomaliyeed ayaa dowlada soomaliya ku eedeeya in ay caburin ku heyso ayna ka hor istaagto in ay kulamo ay kaga hadlayaan xaalada dalka in ay ku yeeshaan Hoteelada Magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here