Dhageyso:-Sarkaalkii Al-shabaab u Qaabilsanaa Howlgalada Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil Kale oo La Dilay

0

Ciidamada Dowlada Soomaliya ayaa Howlgal qorshaysan ku dilay sarkaal sare oo ka Tirsanaa Ciidamada Xarakada Al-shabaab kadib howlgal ay ka sameeyay deegaano hoos yimaada Gobolka Hiiraan.

Howlgalka lagu qaarijiyay sarkaalkaan shabaab ayaa la sheegay in uu ka dhacay Degaanka Luuq-jeeloow oo dhaca Galbeedka Magaalada Baled-weyne ee Gobolka Hiiraan.

Cabdi Cali oo Xarakada al-shabaab  u qaabilsanaa Howlgalada Gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in lagu qaajiyay weerarkaas,  Weerarka ayaa sidoo kale lagu khaarijiyay Seddex kale oo ka tirsan isla hogaanka Al-shabaab, waxaana sidoo kale jira Saraakiil kale oo nolosha lagu qabtay.

Dhanka kale Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowlada soomaliya ayaa Faah-faahin ka bixiyay Howlgalka lagu dilay sarkaalkii al-shabaab u qaabilsanaa dhanka Howlgalada Gobolkaas.

Maxamed Cusmaan Cabdi( Macalin qalaafow) oo Gudoomiyaha Magaalada Beledweyne  oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in arintaan ay jiro islamarkaana ay gacan ka heleen dhalinyaro kale oo ka Tirsan al-shabaab oo howlgalka lagu dilay sarkaalka fuliyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here