Rag Hubeysan ayaa maanta degmada Shibis ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen mid kamid Gudoomiye waaxyeedyada Degmadaas.
Allaha u naxariistee Ilyaas C/laahi Sheekh, oo ahaa guddoomiyaha waaxda Afaraad “Calasoow dheere” degmada Shibbis ee Gobolka Banaadir ayaa la dilay xili uu kasoo baxay saaladii Jimcaha, dilkiisa waxaa fuliyay labo nin oo bastoolado ku hubeysnaa.
Afhayeenka Gobalka Banaadir mudane Cabdifataax Cumar Xalane ayaa warbaahinta u sheegay, in Guddoomiyaha ay kooxo hubeysan toogteen kadib markii uu maanta kaasoo baxay Masjid uu ku soo tukaday Salaaddii Jimcaha.
Dhanka kale Ciidamada amaanka Dowlada Soomaliya oo goobta gaaray ayaa sameeyay Howlgal inkastoo aan la ogeyn shaqsiyaadka lagu soo qabtay Howlgalkaas.

