Munaasabad uu xilka kula wareegayay Guddoomiyaha cusub ee degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir mudane Ismaaciil Maxamed ayaa maanta ka dhacday Xarunta Degmadaas.
Munaasabad waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye(Yabooh), Gudoomiyihii Hore ee degmada Kaxda iyo Kan Cusub iyo qaar kamid ah dadweynaha degmada.
Ugu Horeyntii Guddoomiyihii hore ee degmada Kaxda Mudane C/ladiif Xasan Badawi , ayaa xilka ku wareejiyay Guddoomiyaha cusub mudane Ismaaciil Maxamed, oo lagu Magacaabay Wareegto kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya.
Dhanka kale Mudane Maxamed Axmed Diiriye oo ah Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Banaadir oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in isbedelka xilalka uu qeyb ka yahay ka shaqeynta horumarka Gobolka , isagoo xusay in loo baahan yahay in lala shaqeeyo Guddoomiyaha Cusub.







