Shabaab “Waxaan Dilnay 9 askari oo ka Tirsanaa Ciidamada Malatariga Dowlada Soomaliya”,

0

War rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in dagaalkii Afgooye ka dhacay lagu dilay  9 askari oo katirsanaa mellatariga Dowladda Federaalka Soomaliya islamarkaana lagu dhaawacay  4 askari.

Shabaab waxa ay sheegeen  in dagaalka uu ahaa mid qorshaysan islamarkaana ay  ku dileen askarta 9-ka gaareysa kuwana kalana ay ku dhaawaceen islamarkaana uusan jirin qasaaro sidaas u weyn oo soo gaaray Ciidamada shabaab-ka.

Sheegashadaan ayaa ka dambeysay kadib markii xalay dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay weerar xoogan  ku qaadeen fariisin Ciidamada dowlada Soomaliya ay ku lahaayeen degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here