Madaxweynaha somaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa hadalkaan sheegay kadib markii uu la kulmay Mohammed Ahmed Al Othman, oo ah safiirka dawlada Imaaradka ee Somalia.
Labada masuul ayaa intii uu socday kulan ay ku qaateen magaalada Muqdisho waxaa ay kawada hadleen xiriirka dawladaha Somaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo hormaradii ugu dambeeyay ee heer gobol iyo heer caalami iyo sidoo kale danaha labageesoodka ah ee ka dhexeeya dowladaha Somaliya Imaraadka.
Madaxweyne Hassan Sheikh Mahmoud ayaa muujiyay sida uu ugu mahadcelinayo dawlada UAE iyo taageeradii ugu dambaysay oo dhinacyo kala duwan ah oo ay siiso Somaliya.
Safiirka Imaaraadka ayaa ugu dambayntii dhiniciisa u mahadceliyay madaxweynaha Somaliya dadaalka uu ugu jiro sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

