Dawlada Ingiriiska ayaa Ruushka kala hadlaysa sidii loo hagaajinlahaa xiriirka labada dal oo mudooyinkii u dambeeyay aan ahayn sidii loobaahnaa.
Raisul wasaaraha dalka Britain Theresa May ayaa xiriir dhinaca Telefonka ah lasamaysay madaxweynaha wadanka Ruushka Vladimir Putin markii ugu horaysay tan iyo markii ay noqotay Raisulwasaaraha.
Labada hogaamiye ayaa isla qiray in xiriirka labada wadan uu ahaa mid aan wanaagsanayn waxaana ay balan qaadeen in ay hormarinayaan xiriirkooda.
Hogaamiyaashaan ayaa ku balamay in ay ku kulmaan bisha soo socota dalka China halkaas oo uu ka dhicidoono shirka wadamada G20.

