Waxaaa maanta Xarunta Dhexe ee idaacada simba ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad lagu soo xiraayay Tartan Qur’aan aqris ahaa oo si wadajir ah ay iskaaga kaashadeen idaacada simba iyo Xarunta Ibnu qayim Aljowzi.
Xaflada waxaa ka qeyb galay madaxda idaacada simba, iyo xarunta Ibnu qayim Aljowzi iyo guuleystayaasha tartanka oo gaarayay 3-ruux oo kala ahaa C/waaxid Ibraahim C/laahi, Maxamed Cabdi Maxamed, iyo Mulki Daahir Macalin aadan kuwaasi oo isla maanta xarunta idaacada simba lagu gudoonsiiyay abaalmarinadii loogu talagalay.
Maamulka Xarunta Ibnu qayim Aljowzi oo xaflad ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay maanta kala qeyb galaan ardey soomaliyeed oo ku guuleysatay Tartan Qur’aan aqris ahaa, iyagoo balan qaaday in ay sidii wadi doonaan Taaba Galinta Tartamada Noocaan oo kala ah.
Dhanka kale Agaasimaha Guud ee idaacada simba Mudane C/laahi Cali Faarax (Catoosh) oo Xaflada ka hadlay ayaa tilmaamay in idaacada simba ay mar walba u taagan tahay dhiiri galinta ardeyda soomaliyeed isagoo dhankiida balan qaaday in ay Tartamo noocaan oo kala ah oo ka qiimo badan ay ardeyda soomaliya u qaban doono bilaha soo socda.
Tartanka oo bilowday bishii Ramadaan Kowdeeda waxaa ka qeyb galay 48-ardey waxaa Guddi ka ahaa Shiikh Axmed cabdi Jimcaale waxaa nasiib u yeeshay in ay kaalimaha kowaad, labaad, iyo seddexaad ay kala galaan ardeyda kala ah C/waaxid Ibraahim C/laahi, Maxamed Cabdi Maxamed, iyo Mulki Daahir Macalin aadan.





