Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo wafdi balaaran uu hogaaminaayo ayaa Maanta Lagu soo dhaweeyay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed waxaa ka qeyb qaatay madax ka Tirsan Maamulka Galmudug iyo Kan Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka Magaaladas.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa kasoo horjeystay qodobo kamid ah heshiiska Hogaamiyayaasha Madasha wadatashiga qaran oo shalay warmurtiyeed laga soo saaray.
Dhanka kale Madaxweyne Guuleed ayaa ka Hadlay Ciidamo ka Tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan kuwa Danab oo dhawaan Gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kuwaasi oo fariisin ka sameystay Garoonka C/laahi Yuusuf axmed.

