Madaxweyne Xasan Shiikh:- Go’aanadii ka Soo Baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran Cidna Looguma Roonaan Doono

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya  Mudane Xasan Shiikh Maxamuud in go’aanadii ka soo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran cidna aan loogu roonaanin cidna aan loogu darnaan doonin.

“Waxaan rabaa mar kale inaan u sheego shacabka Somaliyed, go’aanada Madasha kuma saleysna cid gooni ah in loo hiiliyo cid kalena laga hiiliyo ama deegaan gooni ah laga hiiliyo oo deegaan kale loo hiiliyo, laakiin mar waliba in Somaliya loo hiiliyo waaye sida lagu shaqeynaayo, Somaliya in loo hiiliyana waa in horay loo socdaa oo aanan la dhihin meesheeda ayeey taagnaanaysa, madaxda mar waliba wadatashiga, wada xaajood ayeey ku shaqeysaa, wixii dhibaato ah oo imaanaya mustaqbalkana waa xalinaynaa.”

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shacabka Soomaliyeed ugu baaqay in ay Mar walba garab is taagnaadaan Dowladooda si ay guul u gaarto.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here