Qaramada Midoobe oo Soo Dhaweysay Waqtiga Doorashada Soomaliya Loo Qabtay

0

War kasoo baxay xafiiska Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Bank-moon ayaa lagusoo dheweeyay waqtiga lasoo saaray ee laguwado in ay ku qabsoonto doorshada labada aqal ee Baarlamaanka iyo madaweynaha ee dalka Somaliya oo ah bilaha September iyo October ee sanadkaan.

Mr.Ban ayaa waxaa uu sheegay in uu aaminsanyahay in qorshahaas uu u fulidoono sidii lagu heshiiyay waxaana uu ugu baaqay dhamaanba dhinacyada ku lugta leh in ay ka dhowrsadaan wax kasta oo markale dib u dhigikara waqtiga doorashada.

Xoghaya guud ayaa waxaa uu tilmaamay in uu soo dhowaynayo ka go’naashaha golaha hogaanka qaran ay ka go’antahay in wadanka loo gudbiyo nidaamka xisbiyada sanadka 2018 taasi oo horseedikarta doorashada sanakda  2020-ka oo  lagu wado in ay noqoto mid ku qabsoonta hanaan qof iyo cod ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here