Maamulka Gobalka Mudug ee Galmudug ayaa ka Digay Dagaal ku salaysan Dhul balaarsi oo Dhex mara Dadka ku kala abtirsada Maamulada Puntland iyo Galmudug ee Wadaga Gobalka Mudug ee Bartamaha Soomaaliya.
Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobalka Mudug ee Galmudug Cabdi Xussen Maxamed oo u waramay Idaacada Simba ayaa Sheegay in Dagaalo ku salaysan Dhul Balaarsi uu ka soo Cusboonaaday Deegaano ka tirsan Bariga Magaalada Gaalkacyo kuwaas oo hada isi soo taraya.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa Waxgarada Gobalka Mudug uga baaqay inay wax ka qabtaan Dhibaatada Dhanka Deegaan ah ee ka jirta Bariga Gobalka Mudug uuna Xusay Xiisad Dagaal oo u dhexaysa Maleeshiyaad kala taabacsan in hada ay ka taagan tahay Deegaanka Jiictigin 70km u jira deegaanka Af-barwaaqo ee Gobalka Mudug

