Hay’ada xuquuqda Aadanaha ee Amnest international ayaa waxay sheegtay in illaa 100 ruux lagu dilay banaanbaxyo rabshado wata oo ka dhacay dalka Itoobiya labadii maalmood ee la soo dhaafay kadib markii boolisku ay toogteen.
Qowmiydaha ugu Magaca weyn dalka Ethopia ee Oromada iyo Amharada ayaa ka cabanaya in dowlada Itoobiya ay duudsiisay xuquuqdii dhinaca siyaasada iyo dhaqaalaha ee ay ku lahaayeen dalkaas taasina ay keentay in dibadbaxyo ay ka dhacaan dalkaas.
Magalada Bahar dar oo Qowmiyada amxaaradu degto ayey wararku sheegayaan in khasaarihii dhimasho ee ugu badnaa uu ka dhacay, iyadoo ciidamada amaanku ay maalin kaliya laayeen 30 ruux inkastoo dowlada Itoobiya ay beenisay in ciidamadu ay dad fara badan dileen.
Isgaarsiinta dhamaan Magaalooyinka dalka Ethopia ayaa hawada ka maqan Dowlada ayaa ku baaqeysa in shacabka ay joojiyaan dibadbaxyada ay dhigayaan.

