Waxaa maalintii 5-aad Magaalada Muqdisho ka socda shirka Madasha Wadatashiga qaranka oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowlada Soomaliya iyo kuwa Maamulka Goboleedyeedka dalka xiligaan ka jira.
Waxaa jira is fahan dari hoose ka taagan wadada loo mari lahaa Xildhibaanada aqalka sare umatali lahaa deegaanada Maamulka Khaatumo State oo ay isku haystaan Maamulada Somali-land iyo Puntland.
Dowlada Somaliya ayaa ku doodeysa in Xildhibaanada aqalka sare umatali lahaa deegaanada Khaatumo In iyada ay soo xusho maadaama Khaatumo ay isku heystaan maamulada Puntland iyo Somaliland.
Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa ku doodaaya in Xildhibaanada aqalka sare u matali lahaa Khaatumo lagu biiriyo kuwa Puntland, waxa uuna Gaas sheegay in sharci ahaan Khaatumo ay hoostagto maamulka Puntland markii laga soo tago gooni isku taageeda.
Sidoo kale waxaa jiro aragtiyo kala duwan oo ay soo jeediyeen Hogaamiyayaasha kale ee xubnaha ka ah Madasha islamarkaana ku shirsan magaalada Muqdisho waxaana kami ah:
1-In cadadka lasiiyay Somaliland wax laga jaro islamarkaana xildhibaanada khaatumo umatalaya aqalka sare laga soo xulo Puntland.
2-In cadadka loo qoondeeyay Puntland wax laga soo jaro islamarkaana xildhibaanada khaatumo umatalaya aqalka sare lagu daro kuwa Somaliland.
3-In cadadka loo qoondeeyay maamulada Puntland iyo Somaliland laga jaro tirooyin siman islamarkaana Khaatumo ay sidaa ku hesho qoondo iyada u gaar ah.

