Agaasimaha ilaalada xeebaha dalka Irland Chris Reynolds ayaa loosoo magacaabay agaasimaha hawgalka badda geeska Africa ee Midawga Yurub xeebaha dhaca geeska Africa
Hogaankaan cusub ayaa la sheegay in uu ka shaqayndoono sidii uu uga caawin lahaa maamulada dalka Somalia sidii ay u samaysan lahaayeen ciidamo illaada xeebaha ah oo ay yeeshaan kuwaa soo la wereegi kara mas’uuliyada illaada xeebaha geeska Africa kana hortaga falalka burcadbadeednimo in aysan dib usoo laaban.
Taliyaan ayaa sidoo kale waxa uu masuul ka noqonayaa dhamaanba hawgalada iyo xafiisyada meelo ay ka midtahay magaalada Muqdisho ,Putland iyo Somaliland iyo xarunta tabarada ee ku taala dalka Jabuuti.
Reynolds oo ka hadlay magacaabistiisa ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in ay tahay aqoonsi iyo heer caalami waxaana uu intaas ku daray in ay tahay shaqo iyo iskaa wax u qabso labada waxaan samaynaynaa shaqo wanagaasan oo aan ku helayno xushmad iyo in dhamaanba bushadu na aaminto.

