AMISOM oo soo Dhaweysay Waqtiga loo Qorsheeyay in ay Dhacaan Doorshooyinka Somaliya

0

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Amisom u qaabilsan Somaliya Francisco Madeira,ayaa sheegay in ay ugu hamabalyaynayaan dad Somaliyeed waqtiga loo qorsheeyay in ay dhacaan doorshooyinka Somaliya taasi oo lagu wado in madaxweyne cusub lagusoo doorto 20ka bisha October.

Francisco Madeira,oo sidoo kale ah madaxa hawgalada Midowga Afriaka ee amisom ayaa tilmaamay in ay la shaqayn doonaan dadka Somaliyeed si loo xaqiijiyo in nidaamka doorshadu uu ku dhaco jawi nabdoonaan iyo xasilooni ah.

Hadalkaan ayaa kasoo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in lagu garabistaagayo bulshada Somaliyeed iyo in la xaqiijiyo in guddiga doorashooyinka dadban ay u qabtaan Howshooda si hufan siloo soodoorto baarlamaan cusub iyo madaxweyne

Francisco Madeira,ayaa ugu baaqay bulshada Somaliyeed in ay faaiido u arkaan jadwalka doorshada ee lasoo saaray sibuuxdana ay uga qayb qaataan doorashada cusub ee baarlamaaniga ah taasi oo aas aas u noqondoonta doorashada 2020ka taasi loo qorsheeyay in ay noqoto hal qof iyo hal cod.

Guddiga doorashooyinka dadbadn ee dalka ayaa shalay soo saaray jadwalka ay siku raaceen madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dawlada dhexe oo ah in doorashada aqalka sare ay dhacdo 25-ta September mid baarlamaanka cusub lagusoo dooranaya ay qabsoonto inta u daxaysa September 24 – October halka doorashada madaxweynahana loo qorsheeyay 10 iyo October 30, 2016.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here