Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federalka Xukuumadda Somaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in maqaamka Magaalada Muqdisho loo xil saaray Guddi Wasiiro ah oo ka soo shaqeyn doono arintaasi.
Hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga qaranka oo wali ku shirsan Magaalada Muqdisho ayaan wali cadeenin Maqaanka Magaalada Muqdisho oo ah waxyaabaha dooda ay wali ka taagan tahay, iyadoo ay jiraan madax kasoo horjeeda Maqaanka Magaalada Muqdisho.
“Maqaamka Muqdisho, Guddi loo saaray oo heer Wasiir ah ayaa jira oo uu hogaaminaayo Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah oo dhawaan howlahooda bilaabi doono.” Ayuu yiri Wasiir Odawaa.
Siyaasiyiinta iyo shacabka Magaalada Muqdisho ayaa ka dalbaday Hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga qaranka in ay cadeeyaan Maqaanka Magaalada Muqdisho waxaa horey u jirey Banaanbaxyo lagu dalbanaayay Cadeynta Maqaanka Caasimada.

