Jose Morinho oo ka Hadlay Sababta ay Manchester United ugu Guuleysan Weysay Lasoo Wareegitaanka Renato Sanches

0

Macalin Jose Morinho ayaa sheegay in uu doonayay lasoo wareegitaanka Renato Sanches ka hor inta uusan ku biirin kooxda Beyer Munich ee dalka Germany.

18-jirkaan ayaa ku biiray naadiga Beyer Munich bilowgii hore ee xili ciyaareedkaan aduun dhan  €35 million lacagaha ayaa la sheegay in saro loo qaadi doono haduu bandhig wanaagsan uu sameeyo sida maamulka Beyer ay sheegeen.

Mourinho ayaa xaqiijiyay in United-ka ay rabtay xidigaaan kaasi oo loo magacaabay laacibkii ugu yaraa  ciyaarihii Uero 2016-ka oo sanadkaan ay ku guuleysteen xulka dalka Portugal  markooda ugu horeysa ee Taariikhda.

“Waxaan halkaan imid waqti dambe, waan lasoo saxiixan laheen bishii May wadahadalka waxa uu bilowday Todobaad ka Hor, heshiiska waan ku guuleysan lahaa hadaan halkaan waqti hore imaan lahaaa waan u dagaalami laheyn lasoo wareegitaankiisa” ayuu Jose ayuu u sheegay Sport TV xili maanta uu wareysi siiyay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here