Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo kuwa AMIOM oo La Wareegay Deegaano ka Tirsan Gobolka Baay

0

Wararka naga soo gaaraya deegaano ka Tirsan Gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya in ay la wareegeen  deegaano ay horey ugu sugnaayeen Ciidamada Xarakada al-shabaab.

Ciidanka dowlada oo gacan malatari ka helaya kuwa Ethopia ayaa la wareegay deegaanka Goorisane oo ka tirsan Gobolka Baay.

Gaashaanle Dhexe C/raxmaan Macalin Axmed oo ah Sarkaalkii hogaaminaayay howlgalka ciidamada ay ku qabsadeen deegaanka Goorisane oo ka tirsan Gobolka Baay, ayaa sheegay inay baxsaden Shabaabkii deegaanka joogay.

Deegaanka Goorisane, ayaa la sheegay Shabaab inay u aheyd Saldhig ay ka soo abaabulaan dagaalada ay ku qaadaan Magaalada Baydhabo, balse ciidamada Dowladda ayaa qabsaday.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili shalay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya  uu sheegay in ay ciidamo geyn doonaan goobaha Al-shabaab ay kasoo abaabulaan weerada lagu soo qaado Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here