Dhageyso:-Maamulka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ku Gubay Raashin ay Laheyd Hay’adda WFP+Sawirro

0

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa Ha’yada Baraamijka Cuntada Aduunka ee Magaceeda loo soo gaabiyo WFP ku Eedeeyey in ay Magaalada Muqdisho Soo galisay Raashin nuucyo kala Duwan leh ,quraadaa iyo Agabyo kale oo Tayadoodu ay Dhacaday kuwasi oo Halis ku ah Noolaasha Dadka Isticmaala.

Afhayeenka  Maamulka Gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Qiyaano iyo Danbi lagalay ku Tilmaamay in Ha’yada Qaramada Midoobay u Qaabilsan Cunada Aduunka ay Shacabka Soomaaliyeed ay Kaalmo Gargaar uga Dhigto Raashin Dhacay Qatar ku Noolashooda.

Afhayeen C/fitaax ayaa Xusay Baaritaan Culus oo ku aadan Kiis ka Raashinka Dhacay ee Dalka ay soo galisay WFP ay ku Howlan Yihiin laamaha kala Duwan ee Dowlada Hoose ee Xamar iyo Ciidamada Amaanka Dalka.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa Magaalada Muqdisho ku Gubay 6-gaari oo Nuuca Xamuulka qaada ah oo Siday Agabyo Fara Badan oo iskugu Jira Raashin iyo agabyada Nafaqada loo is Ticmaalo oo ku jiraan Quraad iyo Ukun taasi oo la Sheegay in Ha’yada WFP ay Magaalada Muqdsho ay soo Galisay.

Ha’yadda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Baraamijka Cuntada Aduunka ee WFP ayaa Booliska Soomaaliya wax ay Horey Mar ugu Soo oogeen Eedeymo inay Gudaha Soomaaliya ay soo Galisay Raashin Dhacay ka Dib Markii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay Garoonka Diyaarahada ee Magaalada Muqdisho ay ku Qabteen Diyaarado u Rarnaa Ha’yada WFP oo  Siday Daawooyin iyo Raashin Dhacay loo Waday Degmooyin ka Tirsan Gobalka Gedo Galbeedka Soomaaliya

1470512903e306e 1470512904b6b8e 1470512910bb2d6 147051290544ed4 147051290953ca0 14705129090069a 147051290697032

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here