Maamulka K/Galbeed oo Hub iyo iyo Saanad Ciidan Gaarsiiyay Ciidamo ku Sugan Deegaano ka Tirsan Gobolka Baay

0

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa Hub iyo Saanad Ciidan Gaar siiyay Deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee Gobalka Bay oo Maalmihiin Danbe ay ku Dagaalamayeen Ciidamada Koofur Galbeed iyo Al-shabaab.

Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed oo uu Hogaaminayay Wasiirka Hubka Dhigista iyo Dhaqan Celinta Maleeshiyaadka ee Maamulka Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xussen Maxamed Elaay ayaa Hub iyo Qalab Dagaal ku Wareejiyey Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Al-shabaab kula Dagaalamaya Deegaanada Gobalka Baay ee hada ku sugan Deegaanka Goof-gaduud Shabeelow.

Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Booliska Gaarka ah Maamulka Koofur Soomaaliya Kornel Maxamed Xuseen isaaq  Cara-case oo Hubkaan iyo Saanada Ciidan kala Wareegay Wafdiga Wasiirada ah ayaa Tlmaamay in Qalabkaan ay u adeegsan Doonaan Dagaalka ay kula Jiraan Al-shabaab ee ka socda Gobalka Baay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here