AMISOM oo ku baaqday in Taageero Caalami ah Loo Fidiyo Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed.

0

Shir mudo 5 maalin ah ugu socday magaalada Muqdisho Taliyayaasha Amisom ayay  isku raaceen in kor loo qaado wadashaqaynta AMISOM iyo Ciidamada Xoogga dalka soomaliyeed  iyo in latayeeyo howl galada lagaga horjeedo Al-shabaab.

Qodobada kasoo baxay shirka  waxaa ka mid ahaa in ladhiso awooda ciidamada Somaliya lagana dhigo kuwa aqoon u leh shaqada ay qabanayaan sidoo kalana awood u leh  in ay lawereegaan ammaanka dalka marka uu dhamaado waqtiga uu ku egyahay joogitaanka ciidamada AMISOM.

Shirkaan ayaa waxaa lagu sheegay sidoo kale in AMISOM iyo SNA ay tahay in ay kala kaashadaan wax yaabaha farsamada iyo arrimo kale ay tahay in ay kala kaashadaan Qaramada Midoobe.

Taliyayaashaan ayaa waxaa kaloo ay soo jeediyeen in la dedejiyo taageerada hubka iyo waxyaabaha kale ee ay u baahanyihiin SNA si hawgalkoodu uu u noqdo mid waxtar leh.

Maalintii ugu dambaysay ee kulanka uu soo xirmay ayaa waxaa kasoo qayb galay saraakiil sar sare oo ka kala socda AMISOM IYO DFS, waxaana kamid ahaa Francisco Madeira;iyo Raisul wasaare ku xigeenka DFS, Mohamed Omar Arte.

28166453984_b6aabe5fb2_m 28166454704_5b04b58a97_m 28166461304_39a592d086_n 28169262063_f8c89e1d34_m 28169267503_c04b4a0c40_m 28169269123_a7522f7a3f_m 28499679700_fbc08b7d75_m 28707040561_03bd7ea596_m 28707052181_1e18ee350f_z

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here