Wararka ka imaanaya Deegaanka Goofgaduud Shabeelow ee Gobolka Baay ayaa ku waramaya in Ciidamo ka Tirsan kuwa Xarakada Al-shabaab ay deegaankaas ku qaadeen weerar gaadmo ahaa.
Deegaanka la wareeray oo qiyaas ahaan u jira Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay 30-km ayaa mudooyinkii dambe waxaa ku sugnaa Ciidamada Dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga afrika ee amisom.
Dagaal saacado badan socday ayaa la sheegay in labada dhinac ay faarujiyeen deegaanka waxaana caawa jirin cid ku sugan deegaanka sida dad ku sugan halkaas ay u sheegeen idaacada simba ee Magaalada Muqdisho.

