14-qof oo ku Dhimatay Toogasho ka Dhacday Suuq ku Yaala Gobolka Assam ee dalka India(Sawirro)

0
People carry a body after rebels opened fire in a crowded market at Kokrajhar, in the north-eastern Indian state of Assam, India, Friday, Aug. 5, 2016. Dozens of rebel groups have been fighting the government and sometimes each other for years in seven states in northeast India. They demand greater regional autonomy or independent homelands for the indigenous groups they represent. (AP Photo)

Inta la xaqiijiyay 14-ruux ayaa dhimatay  16-kalana way ku dhaawacmeen kadib markii Rag hubeysan ay weerar ku qaadeen suuq aad u  mashquul badan oo ku yaala Gobolka Assam ee waqooyi bari ee dalka India.

Saraakiisha Booliska gobolka Assam ee waqooyi bari ee dalka India, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhimashada 12-qof  kadib markii rag hubeysan ay rasaas xooggan ay ku fureen suuqa ku yaala assam.

Mid ka mid ah dableyda ayaa la sheegay inuu ku dhintay weerarka . iyadoo 20 ka mid ah dhaawaca ay ku jiraan xaalad halis ah islamarkaana tirada dhimashada waxaa la filayaa in ay kici karto.

Assam ayaa waxa ay leedahay taariikh ah dhiigga daata iyo kooxaha u dagaalamaya madaxbannaani weyn ama ka goosashada dalkaasi India, 3-dii qarni aynu soo dhafnay waxaa la xaqiijiyay in deegaankaas ay ku dhinteen 10,000-qof oo shacab ahaa.

assam3 assam5 assam6 assam8 assam10 assam11 assam12

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here