Madaxweynaha Puntland Oo Kulan Casho Ah La Qaatay Danjiraha Dawladda Imaaraadka U Fadhiya Soomaaliya (Sawiro)

0

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho ayaa caawa 04 August, 2016 kulan casho sharaf ah la qaatay Danjiraha dawladda Isu tagga  Imaaraadta Carabta u fadhiya dalka Soomaaliya Maxamed Al-Cutmaani.

Kulanka ayaa Madaxweynaha waxaa  ku wehelinayey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waxaana kulanka cashada lagu qabtay xarunta Safaaradda Imaadka ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland iyo danjiraha dawladda Isu tagga Imaaraadka ayaa kulankooda uga wada hadlay xaaladda guud ee dalka Soomaaliya gaar ahaan marxaladda kala guurka ah ee uu dalku ku jiro.

Danjire Maxamed Al-cutmaani ayaa ugu horrayn  Madaxweynaha iyo shacabka  Puntland ugu hambalyeeyey sannad-guuradii 18-aad ee kasoo wareegtey markii aas-aasay Puntland isagoona u rajeeyey in shacabka Puntland in sannadkaan sannadkiisa ay ku gaaraan guul iyo horumar.

Sidoo kale danjiruhu waxa uu  ku ammaanay Madaxweynaha Puntland dedaalka ay dawladdiisu ugu jirto horumarinta iyo adkaynta nabad gelyada Puntland iyo doorka ay  Puntland ka qaadatay xal u raadinta Soomaaliya.

Ugu dambayn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Danjiraha Imaaraadka uga mahadceliyey soo dhoweyntiisa iyo casho sharafta maamuuska huwan ee uu u sameeyey,  waxaana uu hoosta ka xarriiqay in ay muhim tahay in lasii xoojiyo iskaashiga saaxiibtinimo, ganacsi iyo nabad-gelyo ee ka dhexeeya dawladda Isu tagga Imaaraadka Carabta iyo Puntland.

 

g5(26).jpg p1(21).jpg p2(21).jpg

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here