Wasiirka Gaashaandhiga Soomaliya oo tababar ciidan usoo xirey Cutubyo ka Tirsan Ciidanka NISA +Sawirro

0

Jeneraal Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya oo ay Wehliyeen Taliyaha NISA Qaybta Galmudug Saadaq Cumar Xasan, Taliyaha Booliska Axmed Maxamed Raage iyo Saraakiil  ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Qaybta 21.aad ayaa maanta tababar ciidan usoo xirey Cutubyo ka Tirsan Ciidanka NISA Degmada Caabudwaaq.

Ciidamada Tababarka loosoo xirey oo gaarayay Tiro ahaan  114-askari ayaa Muddo 3-bilood ah waxa uu Tababar ciidan ugu socday duleedka Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Ugu Horeyntii waxaa goobta ka hadlay Taliyaha Ciidamada NISA ee dawlad goboleedka Galmudug Gaashaanle sare Saadaq Cumar Xasan, wuxuuna  ku soo dhaweeyay xerada tababarka loogu soo xirayay ciidamadaan Jeneraal. Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya.

Wasiir Cabdulqaadir Sh Cali Diini ayaa Munaasabadda lagu soo xirayay Tababarka ka soo jeediyay Qudbad dheer oo isugu jirtay dhiiragalin iyo waxa laga doonayo oo ah waajibaadka laga rabo ciidanka loo xiray Tababarka, waxaana uu  ugu dambayn u soo jeediyay Dardaaran ku wajahan gudashada waajibaadkooda.

DSCN9612 DSCN9613 DSCN9618 DSCN9619 DSCN9620

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here