Jeneraal Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya oo ay Wehliyeen Taliyaha NISA Qaybta Galmudug Saadaq Cumar Xasan, Taliyaha Booliska Axmed Maxamed Raage iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Qaybta 21.aad ayaa maanta tababar ciidan usoo xirey Cutubyo ka Tirsan Ciidanka NISA Degmada Caabudwaaq.
Ciidamada Tababarka loosoo xirey oo gaarayay Tiro ahaan 114-askari ayaa Muddo 3-bilood ah waxa uu Tababar ciidan ugu socday duleedka Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Ugu Horeyntii waxaa goobta ka hadlay Taliyaha Ciidamada NISA ee dawlad goboleedka Galmudug Gaashaanle sare Saadaq Cumar Xasan, wuxuuna ku soo dhaweeyay xerada tababarka loogu soo xirayay ciidamadaan Jeneraal. Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya.
Wasiir Cabdulqaadir Sh Cali Diini ayaa Munaasabadda lagu soo xirayay Tababarka ka soo jeediyay Qudbad dheer oo isugu jirtay dhiiragalin iyo waxa laga doonayo oo ah waajibaadka laga rabo ciidanka loo xiray Tababarka, waxaana uu ugu dambayn u soo jeediyay Dardaaran ku wajahan gudashada waajibaadkooda.






