Inta la xaqiijiyay 12-qof ayaa dhimatay ka dib markii ay maanta laba tareen isugu dhacday inta u dhaxeyso Magaalooyinka Barletta iyo Bari ee dalka Talyaaniga.
Tareenadan, ayaa isku dhacay iyagoo ku socdaalaya hal wado oo qura, Magaalooyinka Barletta iyo Bari ee dalka Talyaaniga, waxaana shilkaasi ka soo gaaray burbur xoog leh labada tareen.
Shaqaalaha gurmadka deg dega ee dalka Talyaaniga oo ku baxay goobta uu shilku ka dhacay, ayaa ka daad gureeyay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay isku dhacaasi.















