Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drone ay galabta kusoo dhacday degmadaas.
Goob joogayaal ku sugan Gudaha degmada Waabari ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dayaaradaan oo aheyd mid aad u yar ay ku soo dhacday meel ku dhow Suuqa Beerta oo ku yaalla degmada Waaberi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dayaarada ay aheyd nooca wax basaasa ay ku xirnaayeen kaamirooyin ay wax ku duubeysay iyo qalab kale oo dhinaca basaasnimada loo adeegsado.
Amaanka diyaarada waxaa la wareegay Ciidamo ka Tirsan Booliska Dowlada soomaliya.

