Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh oo wareysi gaar ah siiyay Tv-ga Universal ayaa ka hadlay rajada uu ka qabo in uu mar kale noqdo Madaxweynaha Soomaliya Doorashada Soomaliya ka dhacaysa Sanadkaan 2016-ka.
Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud ayaa Tilmaamay in rajadiisa Hogaaminta mar kale dalka Soomaliya ay tahay mid u wanaagsan maadaama sida uu sheegay uu aaminsan yahay inuu wax wanaagsan u qabtay Bulshada Somaliyed iyo dalkaba.
Madaxweynaha wuxuu sheegay go’aanka inay leeyihiin Bulshada Somaliyed, balse waxaa xusid mudan Doorashada ka dhaceysa Somaliya sanadkaan inaysan saameyn ku laheyn Bulshada oo Xildhibaano ay Madaxweynaha Dooranayaan.
“Aniga Doorashadeyda dabcan aniga isma xukumi karo dadka Somaliyed ayaa I xukumi doona iyo Baarlamaanka imaan doona, laakiin rajo badan ayaan ka qabaa dadka Somaliyed fursad kale maadaama aan aaminsanahay in aan wax fiican dalka u soo qabtay oo fursad kale la siin doono.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
“Doorashada sanadkaan soomaliya ka dhacaysa waa mid lamid ah tii sanadkii 2012-kii xiligaasna waxaan ahaa musharax isma laheyn waxaad noqon doontaa Madaxweynaha soomaliya, ugu damebyn waxaan ku guuleystay doorashada soomaliya, sanadkaan waxay kaga duwan tahay waxaa jira siyaasiyiin badan iyo dad xilal soo qabtay u taagan hogaaminta dalka ani kama hor dhacaayo doorashada ayuu hadalkiisa sii raaaciyay Madaxweynaha haatan haya Talada dalka soomaliya Xasan sheikh Maxamuud.
10-bisha September ayaa la dooran doonaa Madaxweynaha soomaliya iyadoo ay jiraan musharixiin badan oo hatan wada olle ku aadan ku guuleysiga xilka Madaxweynaha Soomaliya.

